Masawirada Qaar Ka mid ah Hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya

HEADING PAGE | FRIEND PAGE | PICTURE STORE | | CONTACT PAGE | | GUEST BOOK | | | SOMALI MAP/SYMBOLS | SOMALI TOURIST PLACES | Other Links/Meelo Kale | | MUSIC TEST PAGE

you can watch here good comedy FILM that you will admire

 

Jen. Maxamed Faarax Caydiid waa muuqaalkaan
Jen. Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu ka mid ahaa raggii adduunka ugu jeclaa inay xakumaan ama madaxweyne mar uun ka noqdaan Soomaaliya, waxaa laga hayaa tusaalooyin badan oo uu bixiyay, sida isagoo hadda ka hor yiri "Cadkaanooow ama ku cunay ama ku ciideeyay" oo uu ula jeeday ama aniga ayaa Soomaaliya xakumaya ama qof ka talinaysa ma jirto, hase yeeshee inkastoo uu si yaabo kala duwan u raadiyay qaabkii uu ku gaari lahaa hammigiisaas madaxtinimo doonka ah, hadan uma suurta gelin oo isaga oo jidka weli ku sii jira ayuu ku dhintay,waxaana lagu dilay bartamaha magalada Muqdisho oo ahayd meelihii uu xakumi jiray meel ka mid ah ee uu gacanta isagu ku hayay, wuxuuna geeriyooday isagoo aysan weli u suurta gelin riyadiisii ahayd inuu madaxweyne mar uun ka noqdo Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Cigaal waa muuqaalkaan ka muuqda
Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal Wuxuu ahaa ama jagooyin badan oo kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliyta soo xakumay badankood, hase yeeshee markii la riday dowladdii maxamed siyaad ka dib waxaa u muuqanaysay isaga iyo rag kale oo badanba inuusan boos uga banaanayn kuraasta safka hore ee talada Dalka Soomaaliya, wuxuuna u ololeeyay sidii uu Somaliya u kala goyn lahaa isagoo madaxweyne uga noqon lahaa waqooyiga Soomaaliya isla markaana uu uga dhigi lahaa dowlad madax banaan, isagoo taas u sii marayay inuu ahaa ninkii isku daray koonfur iyo waqooyi hadana kala goyn karo, wuxuuna dadaal badan u galay sidii uu uga rumayn lahaa arrintaas, hase yeeshee waxa kaliya ee uu ku guulaystay waxay ahayd inuu noqday madaxweynaha dowlad uu ugu yeeray somaliland oo aan adduunka laga aqoonsan xitaa aan laga aqoonsan doonin, inta uu shaqeynayo xeerka ururka Afrika, wuxuuna dhintay ugu dambaystii isagoo sii wada halgankiisii.

Cali Mahdi Mohamed
Cali Mahdi Maxamed waa mid ka mid ah hogaamioye kooxeedyadii Soomaaliya ee sida wayn ugu gulfay madaxweyne nimno iyo sidii uu ku noqon lahaaa, hase yeeshee waxaa si wayn uga hor yimid Jen. Caydiid iyo rag kale oo dhamaantood diidanaa inuu dal;ka xakuma qof aan iyaga ahyn, wuxuuna arrintaas darteed u daadiyay dhiig badan, ugu dambaystiina wuxuu rumaystay in qaabka uu wax ku raadinayo ay ku dhinteen dad badan sidaasi darteedna ay la gudboonatahay inuu qaab kale wax ku radiyo haatanna wuxuu hammigisii u marayaa qaab oday soomaaliyeed.

Col: Cabdulaahhi Yuusuf MIDIG
Cabdulaahi Yuusuf Axmed waa ninka 2-aad ee xagga madaxtinimada Soomaaliya u jeclaa sidii Caydiid, waxaana laga hayaa markii Caydiid dhintay inuu yiri "Aniga wax iga madaxtinimo jecel waxaa ka jiray Caydiid isagiina wuu dhintay, qof iga lehna ma jirto", wuxuuna qaabkaas madaxtinimo raadintaa u maray wadooyin badan oo kala duwnaa oo uu u daadiyay dhiig badan oo dad walaalo soomaaliyeed ahaaa ama ood wadaag ahaaa.

Jaamac Cali jaamac BIDIX
Jaamac Cali Jaamac wuxuu ka mid yahay ragga ka soo hoos baxay Cabdulaahi Yuusuf ee sida wayn uga soo hiorjeestay, wuxuuna noqday ama qabtay jagadii Colonela oo looga qaaday qori afkiis, hase yeeshee wuxuu ahaa sida caadada hogaamiye kooxeedyadu ahaydba mid ka mid ah raggii ku soo caan baxay ama uu soo caan bixiyay cabdulaahi Yuusuf, sababtuna waxay ahayd ninkasta oo sheegta inuu wax yahay waxaa qasab ah inuu ka soo hoos baxo nin kale oo ay isku jufo yihiin oo sheega inuusan ninkaasi wax ahayn oo isagu ayahy qofka saxdaa.

Kooxdaan Safan kor waa BOOD, X/Caydiid, Caato, Mowliid Macaane
dhamaantood waa reer Muqdisho ama ragga isku haya talada Muqdisho kanina waa mid ka mid ah masawir laga qaaday iyagoo shir beenaad ku haya Hoteelo ka mid ah kuwa Muqdisho, dabcan waxaa laga yaabaa inay ugu been guuraayeen fadhigoodaas qolooyin kale, laakiin jacayl iyo inay wax isu ogolyihiin meeshaas uma wada fadhin.

Oo Libaaxaani Waa Ninkii uu soddogga u ahaa Siad Barre
Jen. Mohamed Saciid Xersi Morgan, waa inankii qabay gabadhii uu dhalay Maxamed siyaad madaxweynihii la afgembiyay ee Soomaaliya isaguna afgembiga ku qabsaday "JEN SIAD", inkastoo uusan helin Morgan fursadda ay heleen kuwa kale ee isaga la midka ah hadana kama maqnayn marna inuu ku dhex jiray arrinta Soomaaliya.